Gudoomiyhii Waaxda 5aad ee degmada Kaxda oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa Gudoomiye waaxeed ku dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali. waxaa lala dilay gabar ka tirsaneyd kooxaha wacyigalinta Covid 19 Faadumo Mataan halka qof kalena uu ku dhaawacmay falkaasi.

Waxaa uu ahaa guddoomiyihii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com