Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Gobolka Sool oo Qarax lagu dilay.

Laascaanood,Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Gobolka Sool ayaa goordhaw Qarax lagu dilay.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Sool ee Somaliland, Xasan Sheekh ayaa u geeriyooday qarax lagu xiray Gaarigiisa.

Qaraxa oo ka dhacay Laascaanood ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Gudoomiyaha dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.

Lama oga dhab ahaan cida ka dambeysa qaraxaas lagu dilay Gudoomiyaha balse Magaalada Laascaanood ayaa ah meel gacan ku heynteeda ku loolamaan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com