Hirshabelle doorasho uma soo jeedno illaa Covid-19 dhinac noo dhaafo

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in illaa ay xaaladda coronavirus dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada dowlad goboleedkiisa”.

“Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.

“Sababtoo ah shirkii aan maanta galnay dooddeenna ugu badan waxay ku saabsaneyd saameynta dhaqaalaha ee gaareysa dadka shaqada maalinlaha ah ku nool ee aan mushaarka qaadanin,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Waare oo hadalkiisa sii watay ayaa caddeeyay in waqtiga lagu guda jiro dhibaatada fayraska corona “aysan faraha la gali doonin howl ku saabsan doorashada”.

Isagoo qodobkaas qeexaya wuxuu yiri: “Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”.

Madaxweyne Cabdi Waare ayaa dhanka kale xaqiijiyay in illaa iyo hadda aanan arrimaha doorashada lasoo hadal qaadin wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Doorka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee federaalka ay ku leedahay doorashada Hirshabeelle iyaguna way ogyihiin annaguna waan ognahay, meel aan wax iska dhahnana lama gaarin, maalinkii la gaaro in doorasho laga wada hadli karo, dastuurkii federaalka iyo kii maamul goboleedkaba way noo yaallaan, doorka ay ku leeyihiinna waan u oggol nahay”, ayuu yiri.

Xigasho Bbc