Itoobiya oo sheegatay in ay dishay 17 ruux oo Shabaab ah

Taliska ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay weerar ay diyaaradahooda ku qaadeen Koratale iyo Yurkud iney ku dileen 17 dabley oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Habtom Zenebe Ku xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee Bariga Itoobiya   wuxuu sheegay ciidamada Al-shabaab  ay weerarkaasi kaga dileen iney dhammaantood ahaayeen kuwa u qaabilsanaa aasidda miinooyinka.

War murtiyeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga waxaa lagu sheegay Al-Shabaabka la laayey iney ka kicitimeen Dolow ayna damceen ciidamada Itoobiya oo kolonya ah oo maraya agagaarka Baydhaba ay weerar miino la beegsadaan.

Waxayna ciidamadu sheegeen dhammaan raggi weerarkaasi qorsheynayey oo 17 ka koobnaa dhamaantood la dilay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Ciidanka Itoobiya ee weerarka ka dhacay degaanka Yurkud.

afiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com