Hoggaamiyeyaasha caalamka oo isugu tegaya UK iyo qodobada ay ka hadli doonaan

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu tegaya hoteelka Cornish ee Carbis Bay, iyaga oo si fool ka fool ah u yeelanaya shirka dalalka G7.
Madaxdaas waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, iyo Madaxweyne Biden, oo ku jira safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay.

G7 (Kooxda Toddobada) waa urur ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee la sheego inay yihiin kuwa ugu tunka roon dhanka dhaqaalaha. Waxay kala yihiin Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Mareykanka.
UK wuxuu sanadkan 2021 qabanayaa shirka madaxda G7 sidaas darteed ayuu halkaasi shirka uga dhacayaa.
Waxaa bishii January lagu dhawaaqay in kulanku uu ka dhacayo Hoteelka Carbis Bay oo ku yaalla meel u dhow St Ives oo ku taalla Cornwall.
Ma aha markii ugu horreysay ee hoggaamiyeyaasha caalamka ay ku kulmaan hoteel xeebta saaran. Shirkii ugu dambeeyay ee G7 ee sanadkii 2019 waxaa lagu qabtay magaalo-xeebeedka Faransiiska ku taalla ee Biarritz.
Wuxuu shirku saameyn doonaa nolosha dadka caadiga ah ee ku nool Cornwall, iyadoo la xirayo waddooyinka.Ruushka wuxuu kooxdaas ku biiray sanadkii 1998, markaas oo uu ururku isku beddelay G8, balse waxaa laga saaray sanadkii 2014 kaddib markii uu sheegtay Crimea.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com