Ciidamada Dowladda oo sameeyay howlgal Miino baaris ah

 

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan kasameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay in miinooyin lagu Aasay.
Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoostaga degaanka bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Balow iyo Nuunaay.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku guuleysteen inay kusoo saaraan Afar miinooyinka dhulka lagu aaso ah, kuwaas oo lagu Aasay inta udhexeeysa degmada awdheegle iyo degaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkan ku sheegay in uu yahay mid looga hortagayo weerarada Ururka Al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com