Jubland oo ku Eedeeysay Dawlada Federaalka Soomaaliya Faragelin in ay ku hayso gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay inay faragin ku burburiyeen maamulka heer degmo iyo heer gobolka ee Gedo.

War-saxaafadeedka soo baxay maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in NISA iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo tan iyo dhammaadkii sanadkii hore gobolkaas ku soo daabulayeen ciidamo loo isticmaalay dano siyaasadeed iyo abuurida jabhad cusub oo sababtay in ay degmada Baladxaawo ka barakacaan dad ka badan 50,000 oo qoys.

Maamulka Gedo ee Jubbaland ayaa dowladd federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda Gedo

Talaabadaan ayaa ku soo aadaeysa iyadoo Madaxweynaha Jubland uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho Xubno ku sugan gobolka Gedo ay sheegeen in gobolkaasi Gedo uu ka go,ay Maamulka Jubland
Hoos ka Akhri War saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com