Kiisaska Cudurka Karoonaha oo markii ugu horreysay dalka laga waayay

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan magaalada Muqdisho iyo gobolka dalka laga waayay kiisaska cudurka Karoonaha 24 saac ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale Wasaaradda maalmihii lasoo dhaafay muujinaysay hoos u dhaca kiisaska cudurka Karoonaha Caasimadda marka laga reebo qaar ka mid ah maamulada goboleedyada oo laga helayay kiisas aan badneyn.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa:
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770
o Laga Helay: 0
o Bogsashada: 21
Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779
Bogsashada Guud: 7,016
Dhimashada Guud: 774