Golaha Wasiirka Puntland oo anisixiyay Xeer Cusub

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Goluhu dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka Gudniinka Gabdhaha iyo Xeerka Daroogada oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda haweenka Maamulka Puntland ayaa Golaha Wasiirada uga mahad celisay ansixinta xeerka Gudniinka Gabdhaha, iyada oo Madaxweyne Deni uu Golaha ka codsaday inay daradr geliyaan howlahooda Shaqo.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com