Maamulka Hirshabeele iyo Taliska Hawlgalka Amisom oo ka wada hadlay Xaqiijinta Amniga degaanada Hirshabeele

Wasiirka Amniga Hirshabeelle Maxamed Kheyre, ayaa Muqdisho kula kulmay  Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye.

Waxaa ay ka wada hadleen howlgalada ka dhanka Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga degaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle, ayaa galaya marxalad doorasho, maadama mudda xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhammaadyahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com