Alshabaab iyo Ciidanka Dawlada Federaalka oo ku dagaalamay shabeelaha Hoose

Ciidamada Dowladda FederaalkaSoomaaliya  iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday , kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo Gaadiid ah oo ayu wateen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo  dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda iyo   Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhinacooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, kaas oo ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ku dishay ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, sidoo kalena ay baabuur ka gubeen.