Maxaad kala Sacotaa Ra’iisal Wasaare Rooble uu Safarkiisi ugu horeeyay ku tagayo Dalka Kuwait?

Ra’iisul Wasaaraha  cusub ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble aayaa lagu wadaa maanta oo Axad ah uu dibedda ugu baxo safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay lana dhaariyay .

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa kaga  qeyb gali doona  Magaalada  Kuwait ee Caasimada Dalka Kuwait Tacsida amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabaax   Axmad Al Sabax.

Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir.

Si kastaba, Sheikh Sabah ayaa la filayaa in Kuwait loogu qabto munaasabad tacsi, baroordiiq iyo duco ah, oo ay ka qeyb gali doonaan inta badan hogaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka.

Waxaa la sheegay in safarkan uu marka hore qorshaha ahaa inuu ka qeyb-galo madaxweyne Farmaajo, hase aahaatee uu taas beddelkeed shalay aaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasi oo uu kaga qeyb galay Xafladii heshiiska  siyaasadeed ay  kala saxiixdeen dolwadda Suudaanta Koofureed iyo mucaaradka dalkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com