Waa Maxay Fariinta uu u diray Beesha Caalamka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble?

Ra’iisul Wasaaraha  Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka 2020/2021.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa ka dhawaajiyay in dalku doorasho u dhaqaaqay, uuna hoggaamin doono geedi socodka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku dhaca si nabad ah, wuxuuna intaas ku daray in hal ku dhiga xukuumadiisu ay tahay “dooorasho ayaa loo dhaqaaqayaa”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Beesha Caalamka ka codsaday inay taageeraan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, si ayuu yiri doorashadu ugu dhacdo wakhtigeeda.

Beesha Caalamka  ayaa horey u sheegtay in hannaanka doorasho ee ku heshiiyeen madaxda Soomaaliya uu ka hooseeyo Hanaankii Heshiisyadii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay dhaqangalinta doorashooyinka 2020/2021, isaga oo aan weli soo magacaabin xukuumad cusub.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com