Maxaa ka soo baxay kulankii Gudiga soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeele Maanta ay ku yeesheen Magaalada Jowhar?

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Dawlad goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in maanta Halkaas ay kulan ku yeesheen gudiga soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Dawlad goboleedka Hir shabeele

Kulanka ayaa ahaa sidii gudigaasi ay u soo saari lahaayeen Jawdwalka Soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aaad ee Maamulka Hirshabeele

Gudoomiyaha Gudiga Soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Dawlad goboleedka Hirshabeele Cusmaan Maxamed Muqtaar Cusmaan Baareey ayaa shaaciyay in dhawaan ay soo saari doonaan Jadwalka Doorshada  , inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in doorashada in dib loo dhigay Jadwalka Doorshada Hirshabeele

Arintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Madaxda Dawlada Federaalka , Dawlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saareen Habraaca doorashada 2020 & 2021 sidoo kale Halka doorashada lagu qabanaayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com