Madasha Xisbiyada Qaran oo ka soo horjeesatay Gudigii doorashooyinka ee dhawaan uu Magacaabay Ra,iisal Wasaare Rooble

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadashay hanaanka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaalka.

Qoraalka Madasha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in guddiyada la soo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan hey’adda Nabad sugidda Qaranka iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Madashu waxay qoraalkan ku cadeysay in arrinkaasi uu baalmarsanyahay shuruucda dalka u yaalla, heshiiskii doorahada iyo xeerka baarlamaanka. “Taasi waxay dhaawaceysaa kalsoonida lagu qabi karo, hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo,”.

Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay inay cadeyneyso in xukuumadda federaalka aysan wax sharciyad ah u laheyn inay soo magacaawdo xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaalka.

“Taasi waxay gef ku tahay nidaamka metelaadda dalka, isu-dheeli-tirnaanta iyo madax-banaanida guddiyada doorshada”

Madasha Xisbiyada ayaa talo ahaan u soo jeedisay in hanaankii doorashadii 2016-kii loo maro soo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland, isla markaana howshaas loo madax-baneeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ‘maadaama uu ka mid yahay hoggaanka ugu sareeya dalka, kana soo jeeda’ gobollada waqooyi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com