Madaxda Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo Warbaahinta Madaxa Banaan kala hadashay Dhaqan gelinta Sharciga Xeerka Warbahinta

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa  loo qabatay saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada matala saxaafadda dalka qaarkood kulan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa, inay dhagaystaan cabashooyinka  qaar ka mid ah saxafiyiintu ay ka muujiyeen xeerka saxaafada Soomaaliya iyo dhaqan galinta xeerka oo uu dhawaan madaxwaynaha Saxiixay.
sharciga saxaafadda Soomaaliya oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” kagadaal markii ay kasoo gudubtay labada aqal ee Golayaasha  Shacabka iyo waliba Golaha Wasiirada DFS.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) & Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala),

sharcigan uu saxiixay Madaxweynaha dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Maanta kadib waxan ku qasbannahay ixtiraamka iyo meelmarinta sharcigan maxaa yeelay waxa uu ka midyahay shuruucda wadanka u yaalla.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

“Waan garan karnaa in saxaafadda qaarkeed iyo ururada matala ay cabasho ka qabaan qodobo kooban ee sharcigan ka mid ah, hayeeshee, waxaad niyadda ku degsataan in sharcigan aynu mar walba hay’adaheena sharciga ee mustaqbal aad waydiisan kartaan marka loo baahdo ee la gaaro, sidaa oo ay tahay aad ayuu uga wanaagsan yahay shuruucda saxaafadeed ee dalal badan oo qaarkood nala deris ah iyo qaar naga fog intaba .” ayuu sii raaciyey wasiir Maareeye.

Sharcigaan uu Saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa cabasho xooggan waxaa ka keenay bahda warbaahinta Madaxa banaan iyaga oo sheegay in uu u Janjeero Hal dhinac

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com