Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiir Beeyle oo saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan .

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxaa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono.

Wasiir Beyle ayaa dhoor  jeer ku celceliyay in Somaaliya lagacafiyay deymihii in muda’ah caqabadaha ku ahaa.