Madaxweynaha Puntland oo ka digay dano gaar in loo adeegsado Ciidamada Xoogga

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka digay dano gaar ah oo Siyaasadeed in loo adeegsado Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Deni ayaa sheegay dalka inuu galaayo xaalad doorasho, islamarkaana muhiim ay tahay in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ka madax banaan yihiin arrimo Siyaasadeed oo gaar ah in loo adeegsado.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in loo baahan yahay in Ciidamada noqdaan kuwo ka fog fulinta danaha siyaasadeed ee gaarka ee Madaxda dowladda  Federaalka ayna qeyb ka noqdaan Gargaarka loo sameynaayo shacabka xiliyada ay jiraan Musiibooyinka.

“Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo ay ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu rajeeyay in dadaal mideysan lagu bixiyo sidii loo heli lahaa Ciidamo Qaran oo mideysan, isla markaana hanta dhamaan amniga iyo xuduudaha dalka, sidoo kalena ka fogaada inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda dalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com