Madaxweynaha maamulka H /shabelle Maxamed Cabdi Waare oo kujiro karantiil

Madaxweynaha maamulka H /shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa is karantiilay kadib markii uu isaga shakiyay caabuqa Caronavirus.

Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa horey u sheegay in Madaxweyne Waare iyo xubno kale ay ku jiraan xaalad karantiil ah , waxa ayna xubnahan si iskood ah u go’aansadeen in ay is karantiilaan.

Madaxweyne Waare iyo xubnaha kale ee is karantiilay ayaa la sheegay in ay la kulmeen Wasiiru dowlihii maamulka Hirshabelle Xildhibaan Khaliif Muumin oo shalay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Caronavirus.

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Madaxweyne Waare ayuu ku sheegay in uu karantiil ku jiro, waxa uuna tilmaamay Madaxweynaha in hada xaaladiisa ay wanaagsan tahay balse ku jiro taxadar.

“Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.”ayuu yiri Waare.

Caabuqa Caronavirus ayaa kusii badanaya gudaha Soomaaliya , waxaana Wasaarada caafimaadka xaqiijisay kiisas hor leh oo cudurkan, waxaana ilaa hada Muqdisho ugu geeriyooday labo qof halka kuwa kalana la jiifaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com