Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo ka hadlay dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya

Madaxwaynihii Hore ee  Puntland  Cabdiwali Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta keentay in heshiis ay gaaraan madaxda dowladda Federaalka  Dawlad goboleedyad ,iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in sababtii u weyneyd ee heshiiskaasi loo gaaray ay aheyd “in laga baaqsado dib u dhac ku yimaada qabsoomida doorashada.”

Gaas ayaa sidoo kale sheegay heshiiskaasi uusan wax badan ka duwaneyn nidaamkii doorasho ee 2016-kii.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi uu meesha ka saarayo muddo kororsi dheer, haddii labada dhinac ee heshiiskaasi gaaray ay si daacad ah uga wada-shaqeeyan fulintiisa.

“Sababta hadda loo gaaray heshiis noocan ah oo dib ugu laabanaya midkii 2016-kii, oo wax yar-yar un laga badalay oo aan badneyn, Sida; tirada ergada oo la kordhiyay oo keliya, waxay tahay sababtu anigu sidan fahamsanahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto” ayuu yiri C/weli Gaas.

Waxa kale oo uu ka hadlay in suurto-gal tahay in dhowr bilood ay dib u dhacdo doorashadu, taasi oo ku sheegay arrimo farsamo oo dib uga ridi karta waqtiga loo asteeyay doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com