Muxuu Xasan sheekh ka yiri , Qodobada Heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadlay heshiiskii dhowaan laga gaaray khilaafkii ka Taagnaa doorashooyinka kaas oo lagu gaaray Magaalada Muqdisho

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arrimo uu sheegay inay dib udhac keenayaan oo ku jiray heshiiskaasi, kaasi oo ku Saabsan xiliga ay qabsoomeyso doorashada oo aan si rasmi ah loo cadeyn.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inuusan jirin hab cad oo lagu sheegay heshiiskaasi oo loo soo xulanayo baarlamaanka iyo qaabka ay u kala gudbayaan xildhibaanada.

Xasan ayaa Aaminsan -madow badan in uu ku jiro heshiiska lagu gaaray Villa Somalia, oo u baahna in si cad loogu bayaaniyo qoddobada ay sida wada-jirka ah u soo saareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku.

“Waxyaabo badan oo tafaasiila ka dhiman heshiiskaasi, oo waxa weli u dhiman waxyaabo badan oo u baahan in la cadeeyo, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda la dhameeyo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna soo jeediyay in shirar kale ay isugu imaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si waxyaabaha yar-yar ee mugdigu ku jira loo cadeeyo.

Gabagabadii waxaa uu  ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in laga shaqeeyo qaabkii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi, iyada oo dib u hagaajin lagu sameynayo, xili uu meel-mariyay baarlamaanku.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com