Mahdi Guuleed oo magacaabay Guddiga xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Guddigan ayaa ka kooban Wasiirada Cadaaladda, Dastuurka, Qorsheynta, Gaashaandhigga, Gaadiidka, Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana wehliya Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga sababta degdega ah ee loo magacaabay Guddigan xil wareejinta, iyadoo weli aanu codka kalsoonida ka helin Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in la horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, si codka kalsoonida u siiyaan, sidoo kale waxaa la magacaabi doonaa Xukuumad cusub oo inta badan xubnaha ka soo muuqan doona ay u badan yihiin Wasiirada Xukuumaddii dhacday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeen hore u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble oo siyaasadda ku cusub, kana soo sheegay Hey’ado caalami ah.