Marwada 1-aad ee dalka, oo kulan laqaadatay Qunsulka Safaaradda Tanzania, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

 

Marwada 1aad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa waxay maanta kulan qado-sharaf ahi la qaadatay xubno ay ka mid tahay Qunsulka Safaaradda Tanzania, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa waxay uga mahadcelisay juhdiga ay ku bixiyeen, sidii xabsi ku yaala dalkaasi uga soo sii deyn lahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Waxaan kulan qado-sharaf ah la qaatay Qunsulka Safaaradda Tanzania, Marwo Fardowsa Qanyare. Waxaan uga mahadceliyay dadaalkii iyo waqtigii ay geliyeen soo deynta dhalinyaradii Soomaaliyeed, ee ay ka soo daayeen xabsigii ay ku cadibnaayeen ee dalkaasi Tanzania.” Ayay tiri Saynab Cabdi Macalin.

Marwada 1aad ee dalka ayaa waxay warkan ku sheegtay qoraal ay goor dhow soo dhigtay barta ay ku leedahay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan Twitter.

Waxaa diyaariyay Wariye : Ahmed Jalwo(Ahmed Taajir)

 

Xafiiska Wararka Istanbul
.

Info@aragticusub.com