Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Qooor Qoor iyo qaar ka mid ah Musharixiinta?

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa kulan la yeeshay ay qaar kamid ah musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya .

Kulanka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ah musharrax madaxweyne , madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna ah musharax Madaxwqeyne , hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow iyana labooda ka Tirsan musharixinta.
kulanka dhexmaray Musharixiintaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ahaa mi looga hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa gudigii Galmudug eee dhinaca doorashooyinka iyadoo aysan jirin ilaa hadda cid faah Fahisay Ujeedka Kulanka kabada dhinac ay yeeshen .
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com