Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Sooomaaliya oo Baaq u jeediyay Gudiyada Heer Federaal ee doorashooyinka

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar magaalada Muqdisho tababar uga furay guddiyada heer federaal ee loo magacaabay in ay ka shaqeeyaan doorashada Soomaaliya ee 2020-21.

Tababarkan oo socon doona sida la sheegay muddo Afar cisho ah ayaa guddiyada lagu bari doonaa nidaamka doorashada, habka loo maamulo iyo xalinta khilaafaadka oo ah shaqada hortaala guddigan oo laakiin dhinaca kale wali sharci–ahaanshiyahoodu dood ka taaggan tahay.

Mahdi Guulleed ayaa sheegay in guddiyadan lagu soo xushay sida uu sheegay aqoon iyo waaya-aragnimo, islamarkaana ay kalsooni ku qabaan in ay ka soo baxaan howlaha lagu aaminay,
”Waxaan rabaa in aan idila wadaago muhiimada ay leedahay mas’uuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, waan in aad hergalisaan doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Mahdi Guulleed.

Horaantii bishaan ayaa Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble howlgaliyay guddiyadan oo ka kooban heer dowlad gobolleed iyo heer Federaal.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com