NISA oo u hanjabtay Wariye Harun Macruf

Hay’adda Nabad Suggida ayaa Wariyaha ku eedeysay in uu leeyahay xiriiro halis ku ah nabadgelyada dalka, isla-markaana uu ku kacay falal ka baxsan anshaxa Saxaafadda.

Nabad Suggida ayaa hay’adaha dalka ugu yeertay in ay ka feejignaadaan xiriirkiisa, sidoo kalena ay ku soo wargeliyan laamaha amniga.

“NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa Warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa inay ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta NISA ku leedahay Twitter-ka.

Harun Macruf waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Wariye-yaasha Soomaaliyeed ee ugu khibradda wanaagsan dhanka Warbaahinta, waxaadna mooddaa in mararka qaarkood uu dibadda u soo saaro xoggo muhiima, oo ay ahayd inay hellaan amaba ogaadaan Sirdoonka Qaranka.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa dad badani ka yaabiyay. Ka hor inta aanu ka falcelin Wariye Harun Macruf, dad badan ayaa barraha bulshada si adag ugu jawaabay Taliska NISA.

Cidda ay NISA sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto waa muwaadin haysta dhalashada dalka Mareykanka, mana cadda sida ay NISA ku fulin karto talaabadaasi. Waxayna dadka qaarkii hanjabaadaasi u arkaan mid aan wax macno ahi ku fadhin.

Warkan ayaa waxa uu ku soo aadaya, xilli Hay’adda NISA looga fadhiyay inay soo cadeyso dalkii ka masuul ahaa qaraxii 28-kii bishii December ka dhacay Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay NISA ku eedeysay dal shisheeye.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com