Nooca cusub ee Covid19 oo laga helay Wadanka Swedan.

Stockholm:- Dowlada Swedan ayaa xaqiijisay in uu soo gaaray nooca cusub ee Covid19.

Hal ruux ayay dowladu xustay in laga helay nooca cudurkan ee looyaqaan Omicron oo markii ugu horeysay lagu arkay wadanka Koonfur Afrika.

Ruuxaan ayaa dhawaan safar ku tagay mid ka mid ah wadamada Qaarada Afrika.

Norway ayaa hada ah mid naxadar xoogan ugu jirta sidii ay uga hor tagi laheyd in cudurkaan cusub soo gaaro wadanka.

Wasaarada Caafimaadka Norway ayaa la filayaa in maanta mar kale xeerar cusub ka soo saarto faafida xanuunka safmarka ah ee Covid19.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com