Norway oo soo saartay sharciyo cusub ee la xiriira xanuunka Covid19(Aqriso).

Oslo:Xukuumada Norway ayaa maanta shaacisay sharciyo cusub ee la xiriirta xakameynta xanuunka Covid19.

Wasiirada caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol oo goordhaw qabatay shir jaraa,id ayaa sheegtay in lagama maarmaan noqotay in la soo saaro sharciyo lagu adkeynayo in uu faafo cudurka covid19 gaar ahaan nooca cusub ee dhawaan ka dilaacay wadanka koonfur Afrika.

Ingvild Kjerkol waxaa ay tilmaamtay in nooca cusub uu ka halis badan yahay noocyadii hore ee Covid19 taasi darteed loo baahan yahay in bulshada taxadar badan sameeyaan.

Halkaan hoose ka aqriso Sharciyada cusub ee dowlada soo saartay:-

  • Mudada karantiilka oo laga dhigay 7-maalmood kuwa laga helay xanuunka iyo dadka looga shakiyo in ay qabaan nooca cusub ee Amicron.
  • in 10maalmood galayaan karantiil xubnaha qoyska iyo dadka isku dhaw ee xiriir la sameeya qof xanuunka qaaday ama looga shakiyay xanuunka cusub,waana in 7-maalmood ka hor mudada ka bixitaanka karantiilka iska qaadaan baaritaan nooca PCR-loo yaqaan.
  • Dhammaan go,aanadaan waa saameynesaa dadka qaatay labada talaal.

Go,aanadaan cusub ayaa ka mid ah talaabooyinka ay dowlada ku dooneyso in lagu xakameeyo xanuunka COVID19 gaar ahaan noociisa cusub.

FG:Aragticusubmedia Group waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ku boorinayaa in loo hogaansamo go,aanada cusub ee dowlada isla markaana ku dadaalaan dhaqan galinta si aysan saameyn noogu yeelan xanuunkaan Allaha naga bad baadiyo.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com