NORWEY:Sedex ruux oo saacadihi ugu dambeeysay u geeriyooday Coronovirus.

Oslo, Sida ay xaqiijiyeen waaxda caafimaadka Bulshada Norwey sedex ruux oo cusub ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay u geeriyooday Cudurka Coronovirus.

Waaxda caafimaadka Bulshada ayaa xustay in ay sidoo kale jiraan dad wali uu soo ridanayo cudurkaan dunida oo dhan ku sii baahaya.

Guud ahaan dadka u dhintay cudurkan gudaha Norwey ayaa gaaraya ilaa iyo Toban ruux.

Sidoo kale dadka Cudurka la ildaran ayaa la diiwaangaliyay in ay gaarayaan in ku dhaw laba kun iyo shan boqol oo qof.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norwey.

Info@aragticusub.com