Prof: Jawaari oo beeniyey inay liidato xaaladiisa caafimaad.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kana mid ah dadkii qoray Dastuurka ay Soomaaliya ku dhaqanto ayaa beeniyey warar sheegaya in uu ku xanuusanayo Isbitaalka yerdemeli ee magaalada Muqdisho.

Xanuun la sheegay inuu ka haleeley dhinaca sanbabada, naqaska oo ku dhagan iyo astaamo muujinaya inuu feyruska karoonaha haleelay ayaa la sheegay inuu la ildaran yahay, hase yeeshee waxa uu Prof: Jawaari beeniyey dhammaan wararkaasi.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu xoogaa hargabsanaa maalmihii la soo dhaafay hase yeeshee aan la dhigin isbitaal isla markaana xaaladiisa caafimaad aysan liidan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com