Wiil Soomaali ah oo lagu dilay galbeedka London xili uu bad-baadinaayay haweeney 84-jir ah.

Cali Abuukar Cali oo ahaa 20 jir Soomaali ah ayaa lagu dilay Brentford oo dhacda galbeedka London ee wadanka Ingiriiska habeenkii Jimcaha, kadib markii uu isku dayay inuu difaaco Betty Walsh, oo ah haweeney 84 jir ah oo weerar kala kulmeysay nin torrey ku hubeysan.

Norris Henry, oo 37 jir ah, ayaa lagu eedeeyay dilka Cali Abuukar iyo isku daygii dil ee Ms Walsh oo uu gaaray dhaawac daran.

Henry ayaa loo qorsheeyay inuu ka soo hor muuqdo maxkamadda Uxbridge Magistrates maanta oo Isniinta, 15-ka November.

Saraakiisha booliska ayaa looga yeeray halka loo yaqaan Albany Parade ee Brentford fiidnimadii Jimcaha halkaas oo ay ka qaadeen labada dhibane oo la ildaran dhaawacyo mindi.

Booliska ayaa sheegay in Mr Ali uu ku dhintay goobta, halka haweeneyda loo qaaday isbitaalka halkaas oo ay weli ku jirto xaalad halis ah.

Walsh, waxay sanado badan ka shaqaynaysay barta Griffin, Maamulaha Gerhard Peleschka ayaana ku tilmaamay inay tahay “halyey Brentford ah”.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com