Fiqi “Qoorqoor labo sano ninka isbaarada Galmudug u dhigtay isaga ayuu ahaa”.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) kaasoo uu ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo dib u dhaca Maamul goboleedka Galmudug iyo dibin-daabyada dadka dega Mudug iyo Galgaduud.

Fiqi, wuxuu sheegay in Qoorqoor, uu muddo labo sano ah sababay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu dulmaro magaalada Cadaado, isla-markaana uu jid-gooyooyin isku-dhacyo iyo dhimashooyin sababay u dhigtay laamiga si Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Xaaf, uusan u marin dhulka bariga Galgaduud.

“Qoorqoor labo sano ninka isbaarada Galmudug u dhigtay isaga ayuu ahaa, inuu dadka ka xishoodo ayay ahayd, Galmudug iyo Qoor-qoor waa kala duwan yihiin, waxaana maamulka u rabnaa hormar, dhibaatana uma ogolin, yuusan isku qaldin labadaas isagoo shaatiga Galmudug xiranaya” ayuu yiri Fiqi.

Xildhibaan Fiqi, wuxuu Qoorqoor, ku eedeeyay in Farmaajo iyo kooxdiisu u soo direen  burburinta Galmudug, wuxuuna markale ku dhaleeceeyay dagaalkii dhamaadkii bishii hore ka dhacay magaalada Guriceel, kaas oo dhex maray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug iyo koox diimeedka hubeysan ee Ahlasunna waljameeca.

Qoorqoor, oo ku dhawaad labo sano ka hor ay kursiga u boobtay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa kuraastii ugu badneyd ee Aqalka sare, u soo saaray Farmaajo, kadib maamulka Koofur-galbeed, waxuuna mar kale doonayaa inuu ka shaqeeyo sidii ay kuraasta Golaha Shacabka ugu soo bixi lahaayeen musharixiinta Farmaajo wato.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qoorqoor, qorsheynayo inuu xildhibaano ka dhigo, eedeysanayaasha ay gacantooda ku maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax ee kala ah Yaasiin Fareey, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire, kadib markii dhawaan loo gudbiyay liis ay ku qoran yihiin magacayada shaqsiyaad Farmaajo wato.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com