Qaraxyo ka dhacay Dalka Uganda

Kambala:-Labo qarax oo is xig xiga ayaa ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda, sida ay wararka ay sheegayaan.

Wararka kasoo baxaya dalkaas ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay xarun laga dukaameysto oo u dhaw saldhigga dhexe ee booliska iyo halka qaraxa kale uu ka dhacay meel u dhaw baarlamanka.

Qaraxa wuxuu gilgilay dhismayaal, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah
Lama ogo khasaaraha ka dhashay qaraxyadan.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii labo qof ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay dalkaas.
Mas’uuliyiinta waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen koox fallaago ah oo Islaami ah fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Ilaa iyo 50 qof ayaa la xiray, qaar kamid ah dadkan ayaa dacwad lagu soo oogay tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadaas.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com