Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho:-Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulllaahi Maxamed Nuur iyo ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga fulinta ee barnaamijka wadajirka ah ee Booliiska.

Kulankaas waxa ka qeyb galay xubno ka kala socday wasaaradaha Amniga heer federaal iyo heer dowlad goboleed,saraakiil Booliis iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xaaladda amni ee dalka horumarinta iyo ciidanka booliiska federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka,waxaana lagu lafa-guray daboolidda baahiyaha hortebinta leh sida: Tababarrada iyo qalabeynta ciidamada, dhismaha iyo dayactirka saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xoojinta awood dhisidda ciidamada booliska lSoomaaliya

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com