Puntland iyo Shirkad laga leeyahay Imaraadka oo Heeshiis kala saxiixday

Heshiiskan oo dhigaya in Shirkadda TISL ay hormarin iyo ballaarin ku samayso dhismaha Terminaalka iyo Jidka Diyaaraduhu ku isticmaalaan ee Garoonka Boosaaso, ayaa bilaaban doona bisha Jannaayo ee sannadka 2021.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay, ayaa sheegay in Barnaamijkan uu dhammaystir u yahay heshiis ay horay Boosaaso ugu kala saxiixdeen Puntland iyo Shirkadda TISL, kaas oo ku saabsanaa wareejinta Garoonka.

Munaasabadda Heshiiskan lagu saxiixay, waxa Wasiir Lugatoor ku weheliyay Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Puntland Cismaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo mas’uuliyiin ka socotay Shirkadda TISL.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com