Puntland oo Codsatay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo lagu qabto Xalane

Maamulka Puntland ayaa ku Eedeeyay   Madaxweyne Farmaajo in uu Sameeynaayo  qorshe carqaladeynaya xalka loo  raadinaayo hibaatooyinka hor taagan geeddi socodka  doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah  soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri’

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya”.

Puntland ayaa soo jeedisay in shirarka uu kubaaqay Madaxweyne Famaajo lagu qabto Xalane, Qaramada Midoobay-na ay qaado mas’uuliyadda amni ee shirarkaas ayaa lagu yiri qoraalka .

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midoobay iyo AMISOM in ay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Sidoo kale , Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay Wadahadalada muqdisho ay ku yeesheen   Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta

Ugu Dambeyntii Puntland ayaa Tilmaamatay  in ay ka qaybgalayso  shirarka lagu dhameystirayo  rHeshiiskii  heshiiskii 17 September 2020.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com