Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in siyaasiyiinta Mucaaradka ah uu kala hadlayo Tabashada ay ka qaban doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiiladda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya  kulankaas  oo looga hadlay hergelinta hanaanka doorashadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay qabashada doorasho si nabad  gelyo ku dhacda waxaana uu sheegay in  diyaar u yahay in uu la fariisto siyasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hanaanka xukuumaddiisa ay u wajheyso doorashada dalka isalamarkaana uu doonayo in uu ka qanciyo arimaha doorashooyinka dalka

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in xubnaha beesha Caalamka uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashada dalka, isla markaana kulankaas uu qeyb ka aha wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashada.

Gaba gabadii  Ra’iisul Wasaarae Rooble waxaa uu sheegay in in aysan wanaagsaneyn hadalo dhibaao u horseedi karto Dalkaan , waxaana uu sheegay in cid kasta oo tabasho qabta in uu la Fariisanayo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com