Ra,iisul-wasaare-Rooble-oo-uga -mahadceliyey-xildhibaannada-Golaha shacabka Ansixinta-golaha Wasiirada Xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda.

“Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul.

Hadalka Mudane Rooble ayaa ku soo aadaya ka dib markii maanta la Ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumaddiisa