Wasiirka Cusub ee Wasaarada Cadaalada oo khadka Telefoonka kula hadlay Xubno ka Tirsan Dawlada Turkiga

Wasiirka magacaaban ee  wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac C/qaadir  Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka lefoonka kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ee Turkiga ayaa ka wada hadlay sida Turkiga uu u soo dhaweynayo dhismaha xukuumadda cusub ee Ra,iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ku soo biireen wasiiro cusub.

Wasiirka oo xiriir dhanka Telfoonka ay la soo sameeyeen wasiirka cadaaladda,wasiir kuxigeenka Dalxiiska,iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa ay ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo magacaabay,iyagoona u muujiyay soo dhaweyn iyo in ay diyaar u yihiin wada shaqeyn dhexmarta xukuumadda cusub ee la soo dhisay.

Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur ayaa Madaxda qaranka  ugu mahadceliyay sida kalsoonida leh oo ay ugu dhiibeen xilkaasi.

“Mahad oo dhan ilaahey SW ayey u sugnaatay,waxaana u mahadcelinayaa madaxweynaha JFS,mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iiusl wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo si kalsooni leh iigu igmadey in aan hoggaamiyo wasaaradda Cadaaladda JFS si aan ugu adeego shacabkayga Soomaaliyeed”. Ayuu yiri wasiirka.

Wasiir C/qaadir ayaa bedelay Wasiir  Xasan Xuseen Xaaji oo xilkaasi hayay,kaasi oo isna loo magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,waxaana looga fadhiyaa dardargelinta howlaha horyaala ee u adeegiga qaranka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com