Waa Maxay U jeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee Itoobiya?

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar ugu Amba baxo magaalada Adddis Ababa ee Caasimada wEthiopia.

Madaxweyne Deni, oo maalinta beri ah  furi doona Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan Golaha Wakiilada Puntland  u jeedin doona khudbad ku saabsan Arrimaha Xukuumaddiisa u qabsoomay mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi ( 30 July-25 October 2020).

Sidoo kale, Madaxweyne Deni, ayaa la filaya in uu todobaadkan gudihiisa u baxo safarkiisa Ethiopia, kaas oo la xiriira Arrimaha Horumarinta Ganacsiga, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com