Rer Norway oo kulan duco iyo qur`aan aqris ah u sameyay Sheekh Abdirahman Sh.M. Celi  oo ku geriyooday Gothenburg Sweden

Kullan duco iyo qur’aan aqris isugu jira ayaa loogu sameeyey magaalada Oslo ALLE ha u naxariistee Sheekh Abdirahmaan Sheekh Muxiyadiin Celi oo 22-ka bishan Mai aynu ku jirno ku geeriyooday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Culumaa’udiin, Aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo waxgarad magac ku leh bulshada dhexdeeda ayaa magaalada Oslo salaatul janaasa ugu dukaday Marxuum Sheekh Abdirahmaan Sheekh Muxiyadiin Celi oo lagu aasay 29-kii Mai qabuure ku yaala magaalada Gothenburg.
Guddoomiyaha Jaaliyadda beel-weynta Mudulood Mudane Saciid Maxamed Sheekh oo hadal kooban kajeediyey ayaa tacsi udiray umada soomaaliyeed iyo sidookale qarabadi iyo qoorski oo kabaxay Sheekha , waxuuna rabi uga baryay in wanaagii iyo dacwadii oo mudada dheer waday sabab ugadhigo ahlu Janna.
Macalin Yuusuf oo ka mid ah Culumada magaalada Oslo ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhdii Sheekha iyo kaalintii uu ku lahaa fidinta diinta islaamka.
Dhinacyadii ka hadlay geerida Sheekha waxay dhammaantood ku tilmaameen Musiibo, iyagoo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay, halka loogu duceeyey in qabrigiisa rabi unuuriyo.