Wiil ilma adeer ahaayeen Taliyihii Hore ee NISA oo Lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho,Wiil ay ilma adeer ahaayeen Taliyihii hore ee NISA Abdirahman Tuuryare ayaa maanta lagu dilay Muqdisho.

Maxamed Abuukar Tuuryare Ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada maanta ku toogteen isgoyska Sinaay.

Xiliga toogashada dhaceysay ayaa dad goob joogayal ah xaqiijiyeen in marxuumka sagootinayay qaar ka mid ah eheladiisa.

Taliyihii hore ee NISA Abdirahman Tuuryare ayaa waxyar kadib dilka walaalkiis ka tacsidayeeyay isla markaana qoraal kooban soo dhigay bartiisa facbook.

Alaha u naxariisto wiil firfircoon oo aan gacanta ku haayay aana barbaariyay sanadkaana Jaamacada gelaaya ayuu ahaa oo ubax soo baxaaya ah, saaka curudkeygi oo dhintay oo kale ayay ii xanuunjisay geeridiisu ama iiga darantahay, aabihiisna alaha asna u naxariistee qaali ayuu igu ahaa oo jaceylka aan u qabo ayaa halkaas kasoo jeeda oo aan ka shinsanaayay.” ayuu yiri Taliye Tuuryare.

Ma jiraan ilaa iminka wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowlada oo ay dilka wiilkaan kaga hadlayaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com