Denmerk oo fasaxday in dadku is booqdaan.

 

Dowladda Danmark  ayaa xuduudaha u furtay lammaanayaashii uu kalaxayiray bandowga  coronavirus.

Laga bilaabo maalinta Isniinta, lamaanayaasha ku sugan xudduudaha ee degganaanshaha ka heysta waddamada Scandinavia-ka ama Jarmarka waxay hadda booqan karaan Denmark.

Dowlada ayaa sheegtay in loga baahayahay caddeeyaan lamaanaha xiriirkooda oo uu sawiro la socdo, farriimaha qoraalka iyo email-lada ay is dhaafsadeen.

Wasiirka cadaaladda, ayaa ku dhawaaqay, in qawaaniintan ay hirgeli doonaan maalmaha soo socda, sidaa darteed waxa kaliya ee loobaahanyahayna ay tahay warqad ay wada saxiixeen labada dhinac.

Doolada Denmerk ayaa sidookale sheegtay in dadka loo oglayahay in ay booqdaan ahaladooda iyo asxaabtooda ay mudo kala maqnaayeen

Midowga Yurub wuxuu soo saaray hage ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo qaadi karo xayiraadaha safarka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya, in dadku laga doonayo in ay bixiyaan magaca, cinwaanka iyo faahfaahinta xiriirka ee lammaanahooda ku sugan Denmark, iyo sidoo kale diiwaangelinta taleefannada, sawirrada iyo taariikh-qoraaleedkooda, si loo caddeeyo xiriirka ka dhaxeeya.

Deganaanshaha rasmiga ah ee waddamada Finland, Iceland, Jarmalka, Norway iyo Sweden dhamaantood way u qalmaan, haddii lammaanahoodu yahay mid deggan Denmark.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay, in tani ay quseyso oo keliya dadka xiriirka rasmiga ah ka dhaxeeyo, taas oo ay ku tilmaameen ku dhawaad lix bilood – oo kulamo fool-ka-fool ah oo aan toos uga dhicin khadka internet-ka ama talefoonka.

Xisbiyada mucaaradka, si kastaba, waxay dhalleeceeyeen shuruucda adag, waxayna dhalisay in dowladdu dib uga fiirsato.