Roobab wata dabaylo oo ku dhuftay Xaafuun iyo khasaare ka dhashay

Wararka Imaanaya degaano ka Tirsan puntland ayaa sheegay dabaylo iyo Roobab wata duufaano ku dhufteen Xeebta Xaafuun
Dufaanta ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa shan rux , lix kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii Roob dabayl xooggan wata uu shalay iyo xalay ka da’ay magaalada Xaafuun ee Gobolka Karkaar.

wararka ayaa sheegaya Shanta qof ee geeriyooday, ay u dhasheen Dalka Yemen, waxa la sheegay in in Kalluun ay ka jilaabanaayeen Xeebta Xaafuun , balse Duufaanta iyo dabayshu ku qabsatay badda dhexdeeda, islamarkaana doonyihii ay wateen ay halkaas ku burburisay.
Sidoo kale Dhaawaca lixda ruux, oo uu ku jiro Guddoomiyaha degmada Xaafuun, Maxamuud Yuusuf Garow, waxa iyana sababay guryo dumay iyo kuwa kale oo saqafyadu ka duuleen, iyadoo dabayl xooggan garaacday.

Xaafadaha degmada Xaafuun ayaa laga barakacay , kadib markii ay guryo badan dumeen, waxaana dadka shacabka ah hoy la’aan ku yihiin bannaanka magaalada, xilli weli uu da’ayo Roobka oo wata dabaylo iyo duufaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com