RW Rooble oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay dhaqaalaha Dalka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay’shir looga hadlaayay dhaqaalaha dalka, Islamarkaana loogu magac daray Tiirka dhaqaalaha oo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ayaa soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Qorsheyntuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayadana   soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee loo yaqaan (AIMS).

Ra’iuusl wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay mashaariicda hormarineed ee ka socdo dalka, isaga oo hay’adaha dowladda ugu baaqay in ay dar dar geliyeen howlaha ay u hayaan bulshada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com