Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhiga Ciidanka Itoobiya ee Degmada Baardheere

Dagaalyahano ka Tirrsan Al-shabaab, ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaar ka Tirsan shacabka ku sugan Baardheere, ayaa sheegay in daryanka hubka noocyadiisa kala duwan xalay laga maqlayay saldhigaas ee  ku yaalla garoonka diyaaradaha Baardheere, halkaas oo ay deggan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in  hoobiyaalay  ku garaacday saldhiga, kadibna Ciidamadii halkaasi joogay ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka, inkastoo aan  la ogeyn helin Khasaaraha kala gaaray Weerarkaasi

Al-shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, xillli sidoo kale ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com