Ayaxa Dhibaato ku haya Degaano ka Tirsan Puntland

Ayax  badan ayaa la soo sheegayaa in uu ku habsaday degaanno badan oo ka tirsan degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, ee puntland halkaas oo uu dhibaato ku hayo daaqsinta Xoolaha.

Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan degmada Xiingalool, ayaa sheegay in Ayaxa uu ku habsaday degaannada ay kamid yihiin Qoyan, jiingadda, Damal-goray, Xaar-xaarshe iyo  war-idaad oo dhammaantood ka tirsan Xiingalool.

Shacabka Xiingalool ayaa sheegay in Ayax uu Xaalifin ku hayo degaanka, islamarkaana uu si ba’an u diirtay daaqsintii Xoolaha, welina dhul horleh ku sii faafayo.

Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Xiingalool, waxay xukuumadda Puntland gaar ahaanna wasaaradda degaanka ka codsadeen, in ay ka caawiso sidii Ayaxa looga kicin lahaa degmada Xiingalool iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale, degaanno ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ayaa soo sheegaya in Ayaxu ku habsaday, waxaana laga cabsi qabaa in uu meelo kale ku sii fido.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com