Wararkii Ugu dambeeyay Xaalada Caafimaad Madaxweynaha Maraykanka iyo Xaaskiisa oo la ildaran Cudurka Covid19

Madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump ayaa  loo qaaday isbitaalka Militari oo ku yaalla gobolka Maryland ee duleedka Washington, kadib markii uu shalay sheegay in laga helay xanuunka Covid-19.

Xoghayaha Warbaahinta Aqalka Cad ee Maraykanka, Kayleigh McEnany, ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Trump loo qaaday isbitaalka Militariga ee Walter Reed, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee Gobolka Maryland, si loola tacaalo xaaladdiisa Caafimaad.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa maalmaha soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo ka tirsan isbitaalka, halkaas oo lagu daryeeli doono xaaladdiisa, sida ay sheegtay Xoghaye McEnany.

Madaxweyne Trump, ayaa Shalay Jimcihii bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in xanuunka Covid-19 laga helay isaga iyo xaaskiisa Melania Trump, islamarkaana ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com