Shirka wadatashiga Hay’adaha dastuurka Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka wadatashiga Hay’adaha dastuurka Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ee soo gabagabeynta dib u eegista farsamo ee dastuurka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigi doonaa arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee Dastuurka .

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Ahmed Jaamac ayaa sheegay in howl culus ay hortaalo, isagoo xusay in sababaha dastuurku u dhameystirmi la’yahay ay tahay wada xaajood siyaasadeed oo aan jirin.
Wasiirka ayaa hay’adaha dastuurka heer federaal iyo heer dowlad goboleed kula dardaarmay in laga dhabeeyo dib u eegista dastuurka oo uu sheegay in ay u baahantahay shaqo adag.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com