Wasirka Haweenka Xukuumadda Federaalka oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba.
U jeedka socdaalka wefdiga wasiirka ay Hogaaminayso ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee gollayaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka Federaalka.
Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wefdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.
Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.
“Ololeynta kuraasta haweenka, maadama wadanka uu galay xilli doorasho, halbeega xukuumadda aan ka tirsanahay ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xaqiijinta kuraasta haweenka, Insha’alah dhowr maalin ayaa joogi doona, waxaana la kulmayaa qeybaha bulshada” ayay tiri wasiir Xaniifa.
Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com